FAAH-FAAHIN: Qarax ay ku dhinteen 8 askari & sarkaal oo ka dhacay Sh. hoose + SAWIR.

Thursday October 22, 2026 - 12:22:26
MeMO Staff
Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helay khasaare culus oo maleeshiyaadka Xasan Sheekh kasoo gaaray qarax culus oo habeennimadii xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.
Qaraxan ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab si gaar ah ugu bartilmaameedsadeen maleeshiyaad watay gaari Cabdi Bile ah oo marayay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wallanweyn.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, qaraxan waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya.

Askarta ku naf-weyday qaraxan, ayaa la xaqiijiyey in uu ka mid yahay sarkaal isku haystay laba xil oo kala ahaa taliye Urur iyo Abaanduule.

Sarkaalkan oo sawirkiisa aanu helnay ayaa sida ay xogtu tibaaxday lagu magacaabi jirey Yaxye Cali Magan, iyadoo dhinaca kalena gaarigii Cabdi Bilaha ahaa uu gebi ahaanba basbeellay.

Waxaa xusid mudan, in kooxda Villa Soomaaliya ay si weyn uga xanuunsatay dhirbaaxada soo gaartay saaka, iyagoo saacadihii lasoo dhaafay si weyn u wareejinayay baraha bulshada, baroordiiqda sarkaalkan.

Gobolka Mandheera ee ku hoos-jira gumeysiga Kenya, waxaa isna goor dhawayd laga helay war sheegaya dagaal culus oo habeennimadii xalay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamad Kenya.

Sida ay xogtu iftiimisay, dagaalyahannada ayaa weerarkoodan habeen-dheelmadka ah si gaar ah ugu bartilmaameedsaday xero ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmad Carabiya.

Related Items

Update cookies preferences